DF oo shaaca ka qaaday inta sano oo ay qaadan karto soo saarista shidaalka dalka

by admin | Monday, Aug 10, 2020 | 403 views

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay saadaalisay muddada ay qaadan karto soo saarista shidaalka dalka ee badda, taasi oo ay ku sheegtay lix ilaa toddoba sanno.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka ahna madaxa fulinta, Ibraahim Cali Xuseen ayaa sheegay in qorshe ay u dajiyeen soo saarista shidaalka dalka uu wareegiisi koowaad uu bilowday 4-tii bishan August.

Ibraahim oo u waramay The Africa Report ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya ay faa’iido dhan Afartan dollar ay ka heli doonto Foostadii, isagoona hoosta ka xariiqay in wareega koowaad ee furmay uu soo af-meermi doono bisha March ee sanadka 2021-ka.

“Maalmaha soo aadan waxaan soo saari doona shuruudaha heshiiska, kaasi oo noqon doona mid soo jiita dhanka canshuurta iyo shirkadaha boqortooyooyinka” ayuu yiri Guddoomiye Ibraahim Xuseen.

Ibraahim ayaa rumeysan in shidaalka oo xiligan la soo saaro uu wax badan ka badalayo dhaqaale xumada dalka, inkasta oo uu banaanka keenay walaac uu ka qabo in heshiis loo dhan yahay laga gaaro kheyraadka dalka.

“Covid-19 ma ahan wax abid sii jiraya, shirkadaha shidaalka waxaan filayaa in ay miisaaniyada ku darsan doonan soo saarista shidaalka Soomaaliya, uu sidaasina noogu fuli doono qorshaheenu” ayuu yiri.

Dowladda federaalka ayaa dhawaan meel marisay Hay’dda Batroolka, si dar-dar cusub loo geliyo xaraashka shidaalka Soomaaliya, xili uu dalku marayo marxalada kala guur ah, isla markaana uu ka jiro jahwareer siyaasadeed.

Like it? Share it!

Leave A Response