DF oo taageertay Sacuudiga, xilli khilaaf uu kala dhaxeeyo Canada

by admin | Wednesday, Aug 8, 2018 | 882 views

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka dhanka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Canada.

Goor sii horraysay, ayaa Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir, waxa uu Canada ku eedeeyey faragalin arrimaha gudaha ah iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.

Iyadoo arrintaa ka falcelinaysa, xukuumadda Riyaad waxay eriday safiirkii Canada waxay kaloo hakisay iswaydaarsiga barnaamijyada dhanka waxbarashada.

Warsaaxafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda garab taagan tahay dowladda Sacuudiga.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Like it? Share it!

Leave A Response