DFS sheegtay inay ka go’an tahay in la dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Puntland

by admin | Monday, Apr 10, 2023 | 199 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka uga go’an tahay in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya ee Dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo wareysi siiyay wargeyska The East African ee ka soo baxa dalka Kenya waxa uu ku muujiyay kalsooni uu ku qabo xal nabadeed oo lagu gaaro wada xaajood iyo hab iskaashi.

“Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dawlad-goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay doorka Puntland ee Soomaaliya.

Qodobada ugu waaweyn ee khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland waxaa ka mid ah dastuurka iyo dhamaystirka hannaanka federaalaynta Soomaaliya. Fiqi ayaa ku adkeystay mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee wax looga qaban karo arrimahaas arrimuhu inuu yahay wada-hadal iyadoo sidoo kale in la ilaaliyo mudnaanta dowladda oo ay tahay dhameystirka Dastuurka iyo qaabka federaalka.

Shir dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo xil saaray madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed xalinta khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland. Inkastoo aysan wali si rasmi ah u bilaaban dadaalada, haddana waxaana la filayaa inay bilaabmaan bisha Ramadaan ka dib.

“In kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu yiri Fiqi.

Like it? Share it!

Leave A Response