Wiil uu dhalay hoggaamiye katirsan Al-Shabaab oo la xiray lagana musaafuriyay Costa Rica

by admin | Monday, Apr 10, 2023 | 248 views
Dowladda Costa Rica ayaa xirtay oo masaafuriyay Lutrnan Warsame Faarax, oo lagu sheegay inuu yahay curadka hoggaamiye sare oo katirsan kooxda Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa lagu xiray dalka Costa Rica, halkaasoo uu hoteello ku deganaa, isagoo isticmaalayay aqoonsiyo been abuur ah iyo baasaboor Swedish ah oo qof kale uu leeyahay, sida ay sheegtay dowladda Costa Rica.

Ninkaan ayaa markii hore loo masaafuriyay dalka Guatemala, balse wakiilo ka socday Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida dalkaas ayaa dib ugusoo celiyay Costa Rica.

FBI-da ayaa ka digtay bishii Febraayo 2023 suurtagalnimada joogitaanka xubin ka tirsan Al-Shabaab ee Costa Rica, Lutrnan Warsame Faarax waxaa ku jira liiska FBI-da ee Xarunta Baarista Argagaxisada.

Lutrnan Warsame Faarax ayaa galay Costa Rica Janaayo 4, 2023, isagoo isticmaalayay baasaboor Swedish ah oo uu leeyahay nin lagu magacaabo Luqman Abdi Aziz. Waxa uu dalkaas joogay muddo bil ah ka hor inta aanu tagin marin xuduudeedka Nicaragua.

Aabaha dhalay Lutrnan ayaa lala xiriirinayaa inuu fududeeyay weerar argagixiso oo Al-Shabaab ay ka geysteen Sweden 2011-kii.

Dowladda Costa Rico ayaa sheegtay inay  ninkan u musaafurindoonto Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response