Khasaaro ka dhashay Israsaasayn iyo mudaharaad ka dhacay Gobolka Amxaarada

by admin | Monday, Apr 10, 2023 | 218 views

Israsaasayn ayaa laga maqlay magaalooyin ka tirsan gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, iyada oo kumanaan qof ay dhigeen mudaharaad ay kaga soo horjeedaan amarka xukuumadda dhexe ee Itoobiya ay doonayso inay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobollada ay ugu kala darto ciidamada Booliska iyo kuwa milateriga.

Xubno ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka Amxaarada iyo weliba maleeshiyaad xulafo la ah, ayaa wacad ku maray inay ka soo horjeesanayaan amarka Khamiistii ka soo baxay xukuumadda dhexe, iyaga oo ka horyimid qorshaha xukuumadda ra’iisal wasaare Abiy ahmed, kaasoo sheegay in tallaabadan looga dan leeyahay “midnimada qaranka Itoobiya”.

Amarkan ayaa khuseeya dhammaan 11-ka gobol ee Itoobiya, kuwaas oo leh ciidamo gobol oo iyaga u gaar ah, xaqna u leh inay adeegsadaan luuqadooda.

Qof ku nool deegaanka Gondar, halkaas oo ay ka dhaceen debedbaxyo ballaarani, ayaa sheegay, in xubno ka tirsan ciidamada gaarka ah gobolka Amxaaradu inay rasaas cirka u rideen habeenkii oo dhan, si ay u muujiyaan, sida ay uga soo horjeedaan amarkan.

Laba ka mida dadka deegaanka Kobo ayaa sheegay inay maqleen jugta madaafiic kala duwan oo laga maqlayo duleedka magaalada. Illaa hadda ma cadda cidda ka dambaysa madaafiicdaas. Mudaharaado ayaa sidoo kale ka dhacay ugu yaraan lix magaalo oo kale sida ay sheegeen dadka deegaanka oo magacyadooda qariyey, arrimo dhinaca ammaanka ah.

Suuro gal may noqon in la helo afhayeenada xukuumadda dhexe iyo kan ciidamada milateriga iyo kan dawlad deegaanka Axmaadarada.

Warbaahin ay maamusho dawladda gobolka Amxaaradu ayaa ka soo xigatay madaxweynaha xukuumadda amxaarada, Yilkal Kefale inuu sheegay in la khalad fahmay amarka xukuumadda dhexe, oo loo fahmay in hubka laga dhigayo ciidamada deegaanka. Taas bedelkeeda waxay ahayd in dib loo qaabeeyo ciidamo goboleedyada isla markaana loo hoosgeeyo hay’ad amni oo federaali ah.

Like it? Share it!

Leave A Response