Faah faahin kasoo baxeysa Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Ingiriiska

by admin | Monday, Apr 10, 2023 | 245 views

Ciidamada booliiska ee magaalada Sheffield oo ku taalla woqooyiga Ingiriiska ayaa bilaabay baaritaan, kaddib markii wiil Soomaali ah oo labaataneeyo jir ah toogasho lagu diley xaafadda Gleadless oo ku taala magaaladaasi.

Booliska ayaa markii uu falkan toogashada ah dhacay ay tageen goobta, iyaga oo arkay dilka wiilka 20 jirka ah, kadibna ay ku wargeliyeen qoyskiisa maadaama uu ka fogaa.

Sarkaal katirsan Booliska ayaa sheegay in dilka noocaan oo kale ah uu welwel ku yahay Bulshada,isla markaana Ciidamo dheeraad ah la geeyay goobta wax ka dahceen si baaritaan weyn loo sameeyo.

Ciidamada booliiska ee magaalada Sheffield ayaa ka codsaday bulshada Magaalada inay ka qeyb qaataan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response