dib u dhac markale ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug

by admin | Tuesday, Jun 12, 2018 | 1033 views

Madaxweynaha Maamul Goboledka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf,ayaa Todobaadyadii la soo dhaafay waxa uu waday qaban qaabo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada qeybtii Maamulka Ahlu-suna ee ku biiray Maamulka Galmudug,iyadoo ay taasi jirto ayaa waxa warar soo baxay ay sheegayaan in dib markale loo dhigay Magacabista Golaha Wasiiradda uu rabay in uu soo magacaabo Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
dib u dhaca ku yimid Magacaabista wasiirada ayaa timid ka gadaal markii Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Degaanada Galmudug ay dalbadeen in dib loo dhigo si ay wada tashi uga samayaan arintaani.
Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in uu aqbalay codsiga ay soo jeediyeen Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ee ku aadan in arintaani ay ka sameyaan Wadatashi si ay iskula meel dhigaan waxyabaha ay u arkaan in ay wanaagsan yihiin.
Sikastaba ha ahaate arintaani ayaa waxa ay imaaneysa Xili wali uu taagan yahay
Khilaafka Siyaadeed ee soo kala dhexgalay Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug,taas oo qasabtay in ay kala dagaan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud

Like it? Share it!

Leave A Response