“Doorashadii xildhibaanada waqooyi oo noqon weysay sidii la filayey” – Siyaasiyiin soo saaray qoraal xasaasi ah

by admin | Tuesday, Sep 28, 2021 | 407 views

Siyaasiyiinta kala ah Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka soo wada jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, ayaa wadajir u soo saaray war-saxaafadeed ay uga soo hor jeedaan hanaanka ay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed u maamulayaan doorashada kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga.
Seddaxdaan siyaasi oo ra’iisul wasaare ku xigeen ka soo wada noqday dowladihii dalka soo maraya ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri, “lyadoo aan aad soo dhawaynay heshiiskii labada daraf ee Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland oo aan qayb ka ahayn, waxaa la rajaynayey in ay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah, oo ku dhisan tartan loo siman yahay kuna dhacda si caddaalad ah.”
Siyaasiyiintaan oo nuoxurka qoraalkooda ku soo koobay shan qodob ayaa sheegay inay filayeen in doorshadaasi ay noqon doonto mid hufan oo tusaale u noqota doorashooyinka kale ee dalka, balse Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed markii ay la wareegeen doorashada xubnaha Aqalka Sare ay u soo baxeen qodobada kala ah:
1 – Waxay si caddaallad darro ah oo baalmarsan sharciga iyo daah-furnaanta tartanka doorashada u soo qoreen liiska musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ah musharaxiin la tartamaysa dadka ay qorayaan.

2 – Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu isagu xayndaabtay kursiga 1-aad kaligiis, si aan cidina ugula tartamin, isagoo jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wada heshiiyey.
3 – Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed waxay kuraasta inteedii kale u xireen dad gaar ah, iyagoo si gef ah oo bareer ah liiska uga reebay tartamayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa hadda kuraastaasi ku fadhiya xaqna u lahaa inay ku tartamaan, taasoo baal marsan hadalkii Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ka jeediyay kulankii iscafinta oo uu ku sheegay in xildhibaanada kuraasta ku fadhiya lagula tartami doono, si siman oo cadaalad ah.

Like it? Share it!

Leave A Response