Ethiopia ‘oo usoo socota’ Shabelle iyo Jubba iyo farriin loo diray DF Soomaaliya

by admin | Tuesday, Sep 28, 2021 | 259 views

Biyo xireenka ay ka sameysatay Itoobiya webiga Nile-ka ayaa muddo badan waxaa ka taagana khilaaf, kaasi oo saameyn ku yeelan doona mustaqbalka Soomaaliya, sida uu sheegay Aqoonyahan Prof. Xasan Macalin.
Prof. Xasan oo PHD ka haysta xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in arrinta muranka biyaha ee Masar iyo Itoobiya aysan ku koobnaan doonin labada dal, maadama uu ku doodayo in Itoobiya ay u soo jeesan doonto Jubba iyo Shabeelle, kadib marka ay kasoo dhamaato Nile-ka.
“Haa, muranka Itoobiya iyo Masar, waxa uu saameyn nagu yeelan doona waqti fog, waayo hadda Itoobiya biyaha ay muran gelisay waa Nile oo galbeed ah, marka dhanka bari usoo jeesato, oo Jubba iyo Shabeelle soo aado ayey saameynta iman doontaa,” ayuu yiri Prof. Xasan Macalin.
Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in Soomaaliya ay hadda taageero u muujiso Masar oo ay si weyn biyo xireenka Nile-ka iskugu hayaan Itoobiya, oo ayadu saaxiib dhow la ah madaxda sare ee dalka.

“Haddii ay Masar heshiis uga baxdo, Soomaaliyana waa uga bixi doontaa, sidaas darteed Soomaaliya waa iney taageerto Masar, waayo waa isku dan, haddii Itoobiya ay ku guuldareysato kiiska Masar, Soomaaliya berri waa ay ku doodi kartaa.”
Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Masar ay isku dan yihiin, saameyn xoogana ay bulshadooda ku yeelan doonto qorshaha Itoobiya ee keli faa’iideysiga.

Like it? Share it!

Leave A Response