Dowladda Ingiriiska oo ku baaqday in la taageero hawlgalka AMISOM

by admin | Friday, Sep 28, 2018 | 800 views

Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday deeq bixiyeyaasha caalamka in ay taageeraan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, si loo sii dardar geliyo dadaallada la doonayo in nabad iyo xasillooni buuxda looga hirgeliyo dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain Harriett Baldwin, ayaa sheegtay in beesha caalamka looga fadhiyo in ay qaaddo tallabo lamid ah midda dowladda Ingiriisku ku kordhisay taageerada ay siiso AMISOM, si loogu guuleysto qorshaha ciidamada Soomaaliya sugidda amniga ugala wareegayaan AMISOM.

“Soomaaliya waxay haysataa fursad wanaagsan oo ay mustaqbal fiican ku dhisan karto…Gaarista yoolkaasi waa mid u baahan taageerada beesha caalamka. Maanta waxaan ugu baaqayaa saaxiibbada Soomaaliya in ay gacan ka geystaan sidii dhaqaale joogto ah loogu heli lahaa hawlgalka AMISOM” ayey tiri.

Dowladda Ingiriiska ayaa bishii hore ee August shaacisay in ay dalka Soomaaliya ugu deeqi doonto adduun lacageed oo gaaraya £60 milyan, lacagtaas oo £7 oo kamid ah loogu deeqay Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Hawlgalka AMISOM oo soo bilowdey sanadkii 2007, waxaa qorshuhu yahay in lasoo afmeero sanadka 2020. Ciidamo tiradoodu kor u dhaafeyso 20,000 oo ka kala socda siddeed dal oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM ayaa la filayaa inay Soomaaliya tartiib tartiib uga baxaan inta u dhexeysa October 2018 ilaa December 2019.

Like it? Share it!

Leave A Response