Wariye C/risaaq Catoosh oo muddo sanad ka ruqseystay Howshii BBC-da

by admin | Friday, Sep 28, 2018 | 798 views

Wariyaha caanka ah ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da C/risaaq Xaaji Catoosh ayaa muddo sanad ah ka ruqseystay Howshii BBC-da.

Sida ay shaacisay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Fasaxa sanadka ee Catoosh ayaa ka bilaabanaya 1-da October ee sanadkan 2018, kuna eg 30-ka bisha September ee sanadka 2019.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid fasax dheer uu qaatay C/risaaq Catoosh, balse BBC-du ay ku sheegtay inuu yahay ruqsad muddo sanad ah uu ka qaatay howshii BBC-da.

Madaxa laanta afka Soomaaliga BBC-da C/llaahi Cabdi Sheekh ayaa sheegay inuu Kheyr u rajeynayo Catoosh mudada uu ka maqan yahay laanta, isla markaana uu ku rajo weyn yahay inuu soo noqon doono muddo sanad kaddib.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhageystayaasha ay la socodsiin doonaan haddii uu is bedel ku yimaado xilliga Catoosh soo noqonayo.

C/risaaq Xaaji Catoosh ayaa ka mid ah Wariyeyaasha mudada dheer ka shaqeynayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, gaar ahaan Xafiiska Nairobi, sidoo kale waxaa uu caan ka yahay baraha bulshada, gaar ahaan barta Facebook oo uu taageero badan ku leeyahay.

Like it? Share it!

Leave A Response