Dowladda oo Ciidamo geeysay degaano lagu arkay Xubno ka tirsan Al-Shabaab{sawiro}

by admin | Tuesday, Feb 2, 2021 | 324 views

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamada Booliiska gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka NISA oo aad u hubeysan u dirtay Deegaanada u dhexeeya Dhuusamareeb iyo Ceel-lahelay oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Degaannadaas ayaa saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay tagayeen Xubno ka tiran dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar weeraro ka fuliya Gobolkaasi Galgaduud.

     

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa fariisimo ka sameystay degaannada la geeyay, waxaana la sheegay inay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay tagayeen degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyaga oo xalay oo ugu dambeeyay hoobiyeyaal ku weeraray Magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo & RW Rooble.

Like it? Share it!

Leave A Response