Dowladda Qatar oo War kasoo saartay qarax lagu Eedeeyay oo ka dhacay Boosaaso

by admin | Tuesday, Jul 23, 2019 | 684 views

Wargeyska New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray warbixin ku saansab in la helay sir ku saasban in dowladda Qatar ku lug leedahay qaraxyo ka dhacay Magalada Boosaaso,isla markaana looga gol leeyahay in Imaaraadka uu joojiyo howlaha maalgelinta ah ee uu ka wado Puntland.

Hayeeshee waxaa Warkaasi beenisay Dowladda Qatar, iyada oo sheegtay in Dowladda Qatar yoolkeedu uu yahay  abuurida horumar iyo xasilooni,isla markaana warka lagu daabacay Wargeyska New York Times aan waxba ka jirin.

War kasoo baxay Madaxtooyada Qatar ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba aysan faragelin ku sameyn siyaasada Arrimaha Gudaha wadamada kale,waxana dowladda Imaaraadka ay ku eedeysay inay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya dhaqaalana ku bixineyso.

Sidoo kale Qatar ayaa sheegay in Ganacsade Khalifa al muhannadi oo ah Ninka la sheegay in la dhageystay isaga oo taleefoon kula hadlaya Safiirka Qatar in uusan Wakiil u aheyn Dowladda Qatar,isla markaana baaritaan ay ku sameyn doonaan.

Geba-gabadii Dowladda Qatar waxaa ay shaacisay in Dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan,waxaana ay balan qaaday inay sii wadi doonto taageerada dhinacyada badan leh oo ay siiyaan Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response