Dowladda Soomaaliya oo oo UK kala hadashay dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

by admin | Tuesday, Sep 20, 2022 | 294 views

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay dawladda UK ka qaadatay arrimaha xasillinta iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka wado dawlada UK.

Dhankooda la-taliyaasha xasillinta ee ka socday safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan taageerada amni oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya si looga adkaado Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xilligaan dagaal adag waxaa ay kula jirtaa Ururka Al-Shabaab, waxaana ay kala hadleeysaa sidii looa guuleysan lahaa wakiilada Beesha Caalamka iyo dowladaha taageera.

Like it? Share it!

Leave A Response