Duqa Magaalada Baladweyne oo kasoo hor jeestay xilka qaadis lagu sameeyay

by admin | Thursday, Nov 1, 2018 | 1253 views

Cali Cabuqaadir Faarax Duqa degmada Balaweyne ee gobolka Hiiraan oo shir jaraa’id ku qabtay Baladweyne ayaa shaaciyay in uu si cad kaga soo hor jeedo xil ka qaadista uu ku sameeyay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in ay been abuur tahay eedeymaha uu Gudoomiyahya Gobolka Hiiraan  Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) usoo jeediyay, eedeymahaasi oo ahaa wax is dabba marin lagu sameeyay canshuuraha laga soo aruuriyo Degmada Baladweyne.

“Waa eedeymo been abuur ah waayoo maamulka degmada muddo sideed billood ah muunan shaqeyn hada ayaan qoranay shaqaallo cusub mana jirto wax canshuuro ah oo la is dabba mariyey” ayuu sheegay Cali Cabuqaadir Faarax.

Gudoomiye Dabba-geed ayuu ku eedeeyay in marwaliba uu Baladweyne usoo diro dad uu sheegay in aynan waxba akhrin waxna qorin kuwaasi oo uu sheegay in ay dib u dhac ku keeneen hanaanka maamul ee Degmaaasi.

Waxa uu ugu dambeyntii Madaxweynaha Hirshabeelle ugu baaqay in arrintaan uu soo farageliyo.

Like it? Share it!

Leave A Response