Duqa Muqdisho iyo Duqa Belgrade oo ka shiray mataaneynta labada Caasimadood

by admin | Friday, Jun 16, 2023 | 154 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Aleksandar Šapić.

Kulanka ayaa waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha Xariirka Dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, La-taliyeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar iyo Diplomaasiyiin ka howl-gala Safaarada Soomaaliya.

Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa Belgrade ayaa ka wada hadlay dib u mataaneynta labadda caasimadood, iskaashiga labada dhinac ee horumarinta Caasimadda Muqdisho, iyadoo hortabin la siinaayo xal u helida biyo-mareenada, kaabayaasha isu socodka gaadiidka oo ay ugu horeeyaan dhismaha wadooyinka, gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg deg ah, gaadiidka waxbarashadda iyo maareynta samxada Magaaladda.

Guddoomiye Madaale iyo Aleksandar Šapić ayaa isla qaatay xoojinta xiriirka labada Magaalo,  iyadoona Duqa Balgrade uu soo bandhigay keydka xusuus dhowrka Belgrade, oo ay ku aruursanaayeen wada-shaqeyntii ka dhaxeesay labada Caasimadood xilliyadii ay Muqdisho Duq Magaalo ka ahaayeen Axmed Maxamud Cadde, Yuusuf Ibraahim Cali, Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faarax, taasi oo muujineysa xiriirka soo jireen ee labada Magaalo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Serbia Col. Milos Andjic, oo uu uga mahad celiyay sida ay Serbia gacan uga geysaneyso Dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dakhliyadda canshuurta.

Like it? Share it!

Leave A Response