Faafaahin: Dab ka kacay Boosaaso

by admin | Sunday, Aug 26, 2018 | 1165 views

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dab xooggan  uu ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla Agagaarka xarunta Ciidamada Badda Puntland ee PSF.

Dabkaan ayaa xalay saqdii dhexe  kacay, waxaana uu qabsaday kaalinta Shidaalka Puntland Petrolium sidda ay u sheegeen goobjoogayaal  warbaahinta .

Wariyeyaasha  magaalada Boosaaso ayaa soo sheegaya in foostooyin shidaal ah ay qarxayaan isla markaana uu cirka isku shareerayo ololka goobta kasoo baxaya.

Dadka magaalada ayaa xalay waxaa soo waajahday cabsi ku aaddan in dabkaasi ku fido meelo kale.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay dabkan.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay dabkaan ka kacay Boosaaso kaalinta ku taalla, Maadaama uu bilowday xilli habeen ah

Like it? Share it!

Leave A Response