faafaahin:Askar ka tirsan Ciidanka AMISOM oo toogasho lagu dhaawacay

by admin | Monday, Feb 24, 2020 | 489 views

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin degaanka Buurane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Askarta la dhaawacay ayaa waxaa weerar gaadmo ah kusoo qaaday rag hubeysan, sida sheegen Saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM

Dadka ku sugnaa meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in askarta la dhaawacay la toogtay iyagoo taagan iridda laga galo saldhigga ay ku leeyihiin tuulada Buurane.

AMISOM ayaa sheegtay in toogashadu ay dhacday xilli ay ciidamada AMISOM iridda ka fureen baabuur booyad ah oo rayid ah.

Dad degaanka ayaa intaa ku daray in ay maqleen rasaas xoogan oo ka
dhaceysa meel u dhow saldhig ay ciidanka Burundi ku leeyiihin halka
loo yaqaana Biljamka.

Weerarka maanta lagu qaaday ciidanka Burundi ayaa imaanaya maalin kadib markii qarax miino lala bartimaameedsaday gaari ay ciidanku leeyihiin oo ka dhacay isla degaanka Buurane. Rasaas ay xilligaas fureen ciidanka AMISOM ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo xoolo dhaqato ah.

Like it? Share it!

Leave A Response