Faafaahin:Ciidamada Kenya oo dilay mid kamid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud{sawiro}

by admin | Wednesday, Jul 25, 2018 | 1076 views

Ciidamada  Kenya ayaa toogasho ku dilay Cabdiraxiin Xasan Cali; oo kamid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, waxa uu ka shaqeynayey xarunta deegaanka Dhuuntow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa suabaxnimadii hore ee maanta waxa ay weerar ku qaadeen dhismaha xarunta Hormuud ee deegaankaas iyaga oo sidoo kale dhaawacay nin kale oo lagu magaabo Baxar Iidoor.

Xarunta shirkadda Hormuud ee deegaanka Dhuuntow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay isku xireysay qadadka Taleefoonka ee tuulooyinka  Dhamase iyo Ceel Waaq.

Ciidamada Kenya ayaa markii ay dileen Cabdiraxiin Xasan Cali; waxa ay waxyaabo qarxa ku xireen guud ahaan dhismihii xarunta, kaddibna waxa ay gubeen dhismihii iyo qalabkii isgaarsiinta ee xaruntu ku shaqeyneysay.

Weerarka ciidanka Kenyaanka ah ay ku dileen mid kamid ah shaqaalaha Hormuud kuna gubeen xaruntii uu ka shaqeynayey ayaa sababay in isgaarsiinta gobolku kala go’do.

Madax ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormud, ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in ay khasaare badan oo isugu jira naf iyo maal ay ciidanka Kenyaanku gaarsiiyeen shirkadda Hormuud ayna dhowr goor oo hore sidan yeeleen.

Ciidamada Kenya ayaa horey u gubay Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji iyo Dhegalaab.

September-18-2017; Ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya ayaa xalay gubay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay tuulada Khadiijo-Xaaji oo udhexeysa magaalooyinka Beled Xaawo & Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

January-22-2018; Ciidamada Kenya ayaa Qarxiyay Xarun is gaarsiineed oo ay Shirkada Hormuud ku laheyd degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

March-3-2018; Ciidamada Kenya ayaa gebi  ahaan Burburiyey Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase kaas oo qiyaastii 60 Km u jira degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Shaqada Nabad Illaalinta

Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya waxa uu haystaa ogolaansho xaddidan oo ku saabsan shaqada ay ka qaban karaan ciidankiisu, balse ciidanka kenya oo kamid ah howlgalkan ayaa  xad-gudub iyo ku takrifal awoodeed  waxa uu dhowr jeer u geystay gobolada Gedo iyo Jubbooyinka, iyada oo ciidanku si bareer ah u laayey dad rayid ah islamarkaana burburiyey hantidoodii.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya 16 October 2011; iyaga oo markaas lahaa magaca Linda Nchi oo loola jeedo difaaco dalkaaga, kaddib waxa ay Kenya oo gacan ka heleysa siyaasiyiin Soomaali ah kana faa’iideysanaysa taag-darrada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleysatay kamid noqoshada howlgalka Amisom, balse ficilka ay ciidanka Keenyaanku kula dhaqmayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed waxa uu muujinayaa in cadownimo.

Ciidamada Difaaca Kenya (Kenya Defence Forces) waxa ay si ula kac ugu tunteen xeerka caalamiga ah ee illaalinta maatida iyo dadka aan dagaalka qaybta ka ahayn balse ku nool meelaha uu dagaalku ka socdo.

v

 v

Like it? Share it!

Leave A Response