faafaahin:Qarax ka dhacay Kismaayo iyo khasaare ka dhashay

by admin | Friday, Jul 30, 2021 | 260 views

Magaalada Kismaayo waxaa goordhaw qarax lagula eegtay gaari Bus ah oo ay la socdeen cayaartoyda kooxda JCCI ee Kismaayo ka dhisan.
Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo oo ku sugan Kismaayo gaariga uu qaraxu haleelay ayaa gabi ahaanba gubtay.

khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray cayaartoyda, , waxaana ku dhintay Afar ka mid ah Kooxdii saarneyd baska.
Masuuliyiinta Jubbaland waxay xaqiijiyeen in Qaraxa lagu xiray gaariga.
Laamaha Amaanka iyo Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response