Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Qaraxii maanta lala beegsaday kooxda kubada Cagta JCCI

by admin | Friday, Jul 30, 2021 | 243 views

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Jubbaland, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee ku shahiiday qaraxii ee galabta ka dhacay magaalada Kismaayo.
“Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah,Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed.Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena.” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam”

Like it? Share it!

Leave A Response