Faah faahin:- Dagaal xoogan oo ka dhacay Laas-Caanood

by admin | Monday, May 8, 2023 | 139 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xooganaa oo duleedka Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo ka wada saddex jiho oo kamid ah degaannada leysku hor-fadhiyo ay weerareen Ciidamada SSC.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse saraakiil u hadlay xoogaga SSC ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkii xalay saqdii dhexe ay la galeen Ciidamada Somailand.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ayaa sheegaya in saaka xaaladda ay degan tahay, hayeeshee markale la filan karo dhinacyada inay dagaalamaan maadaama ay dhufeys isugu jiraan.

Waxaa dhowr jeer guuldareystay dadaalo lagu doonayay in lagu joojiyo colaada Magaalada Laas-Caanood, iyada oo dhinacyada midba midka kale uu ka dalbanayo in Ciidamadiisa uu kala baxo Gobolka Sool.

Like it? Share it!

Leave A Response