FAAH FAAHIN LAGA HELAAYO WEERAR LAGU DILEY AJAANIIB ALSHAAB AH OO SOOMAALIYA KU SUGNAA.

by admin | Saturday, Sep 14, 2019 | 592 views

Wararka ka imaanaya gobolada Jubada dhexe iyo shabeelaha hoose ayaa sheegaya in duqeymo ka dhaceen sida ay xaqiijinayaan goobjoogayaal kusugan halkaasi.

Ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan degmooyinka jilib iyo Bu’aale oo aan laxiriirney ayaa sheegaya in ay maqleen daryanka rasaasta kadhacda hubka culus iyo iftiin xoog badan oo ka imaanayey waxyaalo ay ku tilmaameen bulerka cirka loo tuuro ayagoona sheegey ay arkeen diyaarado jawi hoose ku duulaya oo dul meereysanyey magaalooyinkaasi.

Saraakiil sare oo katirsan sirdoonka soomaaliya oo magacooda qariyey ayaa noo xaqiijiyey in howl galkaasi ay iska kaashaneyeen ciidanka sida gaarka utababaran NISA iyo diyaaradaha faransiiska.

Duqeynta ka dhacdey degmada Jilib ayaa lasheegey in lagu bartilmaameed sanayey amiirka Weerarada Kenya u qaabilsan oo dhalasha ahaan kasoo jeeda dalka Kenya oo magaciisa lagu sheegey sheekh Cumar oo loo yaqaano Abuu Bakar iyo labadiisa istaaf oo markaasi lasocodey ayagoo ku sugnaa guri kuyaala duleedka degmada Jilib.

Dhanka kale duqeyn kadhcedey degmada Bu’aale ayaa lasheegey in lagu bar tilmaa meedsanayey Amiirkii Cusbaa ee Amniga Alshabaab oo lagu magacaabo Cali Yare oo logu naaneesto Abuu Cazaab iyo daraawalkiisa ayagoo lasheegey xiligaasi in ay ku guda jireen safar dhulka ah.

Geesta kale duqeymo xoogan ayaa kadhacey Xaruun weyn oo lagu tababaro xarakada alshabaab oo ku taala inta u dhaheysa Haaway iyo Araboow katirsan gobolka shabeelaha hoose .

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee duqeyta geysatey goobta laduqeeyey oo kutaala meel howd ah iyo xiliga duqeynta dhacey oo xilli habeen eheed adkeyneysa in la ogaado qasaara dhabta ah.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idinku soo gudbin doonaa.

Like it? Share it!

Leave A Response