Faahfaahin dad lagu xasuuqay Duleedka Gaalkacyo

by admin | Saturday, Jun 15, 2019 | 727 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dil xalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay 9 ruux oo la sheegay in ay kasoo jeeddaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdirashiid Haashi Cartan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dilka uu ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug.

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee Gaalkacyo ayaa u sheegay   warbaahinta in dilka dadkaasi uu yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad suggida Galmudug, islamarkaana dadka degaanka ay ceyradeen labo ka mid ah Kooxihi dilka geystay ka dibna gurigii ay galeen laga soo saaray 10 ruux ayna dileen 9 ka mid ah Koox degaanka ah oo ka careysan dilka Sarkaalka Nabad suggida ka tirsanaa.

Saraakiisha Booliska waxa ay sheegeen in dadka la dilay wali aysan xaqiijin karin in ay yihiin kuwii dilay Sarkaalka, islamarkaana ay jiraan xubno gacanta lagu dhigay walina ay ku socdaan baaritaano.

Like it? Share it!

Leave A Response