Toogasho ka dhacday Caawa Gaalkacyo

by admin | Friday, Jun 14, 2019 | 740 views

Dabley Hubeysan ayaa Caawa Magaalada Gaalkacyo Ku dilay Allaha Unaxariistee Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif)oo Ka mid ahaa Dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo

Dilka oo ka dhacay Gaalkacyo Dhanka Galmudug Waxaa Geystay Dabley Ku Hubeysan Bastoolado islamarkaana Rasaas la dhacay xilli Uu marxuunku fadhiyay goob laga shaaho .

Sidda ay u xaqiijiyeen dadka degaanka  warbaahinta  Cali Dhiif ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Nabad suggida Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayay dad Shacab ah iyo Saraakiil Ciidan.

Like it? Share it!

Leave A Response