Fanaanad kale oo COVID-19 ugu geeriyootay Muqdisho

by admin | Monday, Feb 22, 2021 | 326 views

Alle ha u Naxariistee waxaa Magalada muqdisho gaar ahaan isbitaalka Martiini ku geeriyootay Fanaanad ka tirsaneyd Hobolada Qaranka Waaberi, taas oo agu magacaabi jiray  Saafi Cabdi Xaashi (Saafi Dheer) oo maalmihii la soo dhaafay xanuun la jiiftay isbitaalka.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Fanaanada ay u geeriyootay Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus oo maalahaan ay la xanuunsaneysay ugu dambeena ay Maanta u geeriyootay.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Saafi Cabdi Xaashi (Saafi Dheer), isaga oo Alle uga baryay in uu jnadii fardowso ka waraabiyo.

Fanaanad Saafi Cabdi Xaashi “Saafi Dheer” oo ka tirsanay Hoboladda Waabari ayaa Covid-19 ugu geeriyootay Isbitaal Martiini. Ilaahay ha u naxariisto Saafi. Waxan tacsi u dirayaa ehelkeedii, asxaabteedii iyo bahda Hobolada Waaberi oo ay Saafi Cabdi muddo dheer ka tirsanayd. Samir iyo Iimaan. Wuu soo laba kacleeey COVID-19 ee Ka feejignow COVID 19.

Waa fanaanadii labaad oo muddo 24 saacadood Gudahood Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ugu geeriyoota Cudurka Coronavirus, kaas oo dad badan ay la jiifaan Isbitaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response