Midowga Musharixiinta oo ku dhawaaqay banaanbax lagu qabanayo Daljirka Daahsoon

by admin | Monday, Feb 22, 2021 | 333 views

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay markale ku dhawaaqeen banaanbax nabadeed oo ay ku doonayaan in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weli Midowga Musharixiinta aysan ka tanaasulin banaanbixii ay horay ugu baaqeen kuna qabanayaan Maalinta Jimcaha Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho waxaa uu sheegay in banaanbaxa uu yahay xaq dastuuri ah oo qof walba uu kusoo bandhigi karo aragtidiisa, waxaana uu ka digay in banaanbaxaas la hor-istaago.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday in uu dalka ku heysto xukun Millateri, isaga oo ugu baaqay Ciidamada in aan loo adeegsan wax shacri darro ah.

19-kii Bishaan ayaa Xubnaha Midowga Musharixiinta waxaa ay doonayeen in ay banaanbax ka dhigaan Taalada Daljirka Daahoos, hayeeshee laga hor-istaagay, isla markaana madaxweynaashii hore ee dalka lagu weeraray Hotelka Maa’ida, xilli habeen ah, iyaga oo u diyaar garoobayay ka qeyb-galka banaanbaxa.

Like it? Share it!

Leave A Response