Faransiisku ma awoodaa in uu soo furto Safiirkiisa Niger & Diblumaasiyiinta ku xiran Dalkaas?

by admin | Saturday, Sep 16, 2023 | 87 views

Waxaa bannaanka usoo baxay hadallo in badan afka lagu hayay maalmihii u dambeeyay oo ah in militariga afgambiga ku qabsaday Dalka Niger uu beegsanayo muwaadiniinta faransiiska kaddib markii Dowladdoodu diiday in isaga baxdo dalkaas.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaciyay In safiirkiisa Niger Sylvain Itte iyo diblumaasiyiin la joogtay lagu afduubtay Niamey Caasimadda dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ee afgambiga ka dhacay.

Macron ma dalban in lasii daayo muwaadiniinta ka xiran mana sheegin in awood ay kusoo furanayaan maadaama ciidamo kooban ay ka joogaan dalka Niger inkasta oo aanay lahayn awood ay toos u weerareen militariga afduubka geystay ee waddanka xoogga ku qabsaday.

Faransiiska ayaa horay u diiday in 1,500 oo askari oo Niger u tegay ka gacansiinta Dowladdii xilka xoogga looga marooqsaday dagaallada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Argagixisada uu kala baxo dalkaan.

Xukuumadda Paris waxaa horyaalla in ay kala xulato labada go’aan ee ugu culus ee lagu soo deyn karo muwaadiniinta ka xiran kuwaas oo kala ah in ay adeegsato awood & farsamooyin isku dheehan iyo in ay wadahadal ku wajahdo.

Like it? Share it!

Leave A Response