Madaxweyne Qoor Qoor oo la keenay Muqdisho iyo Warar sheegaya in loo qaadayo dalka…

by admin | Saturday, Sep 16, 2023 | 176 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo xildhibaanno katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shalay ka bad baaday weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay gobolka Mudug ayaa la keenay Muqdisho.

Masuuliyiintan iyo dad kale oo kusoo dhaawacmay weerarkii deegaanka Laas-gacamey ayaa diyaarad gaar ah lagu keenay Muqdisho, waxaana lala tacaalayaa xaalada madaxda iyo dadkii kale ee waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.

Sida aan wararka ku helnay madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaanno la joogay ayaa waxaa kusoo dumay gurigii ay ku sugnaayeen, waxaana waxyeelo aan badneyn uu kasoo gaaray dhismaha guriga ee kusoo dumay.

Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Aadan (Madoobe) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalada madaxweynaha ay wannaagsan tahay, waxa uuna xusay in Muqdisho la geeyay isaga iyo masuuliyiin kale oo la socotay.

Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor loo qaadayo dalka Turkiga si halkaasi ugu maro baaritaanno caafimaad, mana jiro dhaawacyo muuqda oo madaxweynaha kasoo gaaray weerarkii uu shalay ka bad baaday.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa jiidaha hore ee dagaalka, waxaana shalay isaga oo ku sugan deegaanka Laas-gacamey ee gobolka Mudug lagu weeraray gaari is-miidaamin ah, kaa oo ay fashiliyeen askar ciidanka katirsanaa.

Like it? Share it!

Leave A Response