Waaxda Amniga Mareykanka oo ka digtay halista ka dhalan karta weerarrada ka imaan kara Gudaha & Dibadda.

by admin | Saturday, Sep 16, 2023 | 83 views

Waaxda Amniga Mareykanka ayaa ka digtay halista ka dhalan karta weerarro gudaha iyo dibadda ah oo khatar badan dhalin karta kuwaas oo suuragal ah in ay dhacaan sanadka soo socda 2024 sida ay hadalka u dhigeen.

Madaxda sare ee Mareykanka ayay la wadaageen khatar aad u sarraysa oo la xiriirta weeraro ka imaan kara weerarro ay ugu yeeraan kuwa ‘Argagixisada’ waxaana warbixintooda ay ku lifaaqeen dhacdooyin suuragal ah.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ay jiraan dad badan oo ka shaqeynaya sidii dalkaas ay u tagi lahaayeen shakhsiyaad geysan kara weerarro ay ugu yeereen ‘Argagixiso’ si ay u naafeeyaan dalka Mareykanka sida hadalka loo dhigay.

“Dad xiriir la leh ururrada Argagixisada ayaa waxa ay daneynayaan in ay isticmaalaan marinnada socdaalka si ay usoo gaaraan Mareykanka una geystaan falal argagixiso” ayaa lagu yiri warbixinta waaxda Amniga Mareykanka.

Warbixintu laguma shaacin in dadka ku sugan gudaha Mareykanka ee maleegaya qorshahaas la qabtay ama lagu raad-joogo, inta ay la eg yihiin, in ay yihiin muwaadiniin asal ahaan kasoo jeeda Mareykanka ama in ay dhalasho kale la heystaan.

Like it? Share it!

Leave A Response