Fatahaada Wabiga Baladweyne oo kordhay & barakac bilaawday{sawiro}

by admin | Sunday, Dec 8, 2019 | 596 views

Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan ayaa markale waxaa uu bilaabey in uu fatahaad ka sameeyo Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne, iyada oo dadka ay barakacayaan.

Xaafadaha uu Wabiga la fatahay ayaa waxaa kamid ah Xaafadaha Kooshin,Xaawa Taako iyo Dhagax-jebis iyo Xaafado kale,iyada oo Guryaha qaar ay Biyo farabadan galeen.

Qaar kamid ah Bulshada ku nool Xaafadaha uu Wabiga ka fatahay ayaa waxaa ay bilaabeen inay dib ugu laabtaan deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne,halkaas oo ay horay u aadeen balse ay kasoo laabteen.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Baladweyne ayaa waxaa la sheegay inay bilaabeen qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabealle.

Like it? Share it!

Leave A Response