Fatahaada wabiga Shabelle oo ku sii siqeysa magaalada Jowhar

by admin | Monday, Jun 10, 2019 | 966 views

Fatahaad uu ka sameeyay wabiga Shabelle duleedka Waqooyi ee magaalada Jowhar ayaa sababay inuu hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Mahaday.

Sidoo kale fatahaada wabiga ayaa waxa ay jareen wadada isku xirta garoonka diyaaradaha Jowhar oo xarun u ah ciidamada AMISOM iyo weliba magaalada Jowhar.

Fataahada ayaa waxa ay baabi’iyeen dhul beereed ballaaran oo ay ku yaalaan dalagyo kala gedisan waxayna haatan ku sii siqayaan deegaanada Xaanshooley iyo Lebiga oo u jira magaalada Jowhar wax yar ka 3km.

Boqolaal ruux oo ku nool deegaanadaas ayaa isuu diyaarinaya inay ka barakacaan guryahooda iyadoo hore sanadkii 2013kii ay qoysaska ku nool deegaanadaa ugaga barakaceen fatahaado ka dhashay wabiga Shabelle.

“Haddii ay fatahaaduhu sii socdaan waxaa suurtogal ah inay go’odoomiyaan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.”ayuu yiri Cali Axmed Siidow oo ah beeralay muddo dheer ku noolaa magaalada Jowhar.

Majiro illaa iyo hadda dadaalo xoog leh oo loogaga hortagayo biyaha ku sii siqaya dhul beereed ballaaran oo ay ku nool yihiin kumanaan qoys iyo weliba magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Like it? Share it!

Leave A Response