Gaadiidkii Nairobi iyo Mandheera oo mar kale la hakiyay markii Gaari Bas ah miino la kacday

by admin | Tuesday, Jun 11, 2019 | 735 views

Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay,waxaana uu bur bur soo gaaray Gaari Bas ah oo waday dad Rakaab ah markii ay Miino kula qaraxday inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Mandheera.

Saraakiisha Ciidanka amaanka ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa mar 2aad ku dhawaaqay in la hakiyay isu socodka Gaadiidka ilaa Miinooyinka laga saarayo Waddada xiriirisa labada magaalo.

Maamulka Ceelwaaq ee Kenya ayaa sheegay in amar lagu siiyay Gaadiidka in aysan safrin, xitaa haddii ay la socdaan Ciidamada Booliska ee loo xilsaaray amaankooda ilaa ay fasax ka helaan Hay’adaha Booliska oo Miino baaris ku howllan.

Dhinaca Mandheera sidoo kale ayaa la amray Gaadiidka waaweyn iyo kuwa kaleba in aysan dhaq dhaqaaq sameyn ilaa laga nadiifinayo jidka.

Axaddii ayaa la joojiyay Gaadiidka Nairobi iyo Mandheera markii xubno ka mid ah AL-shabaab lagu arkay jidka u dhaxeeya labada Magaalo.

Shalay ayaa dib loo furay haddana isla gelinkii dambe ee shalay ayuu amarka dambe soo baxay Markii Gaari Bas ay ay Miino la kacday inkasta oo uusan jirin khasaare nafeed marka laga reebo dhaawacyada iyo bur burka Gaariga.

Like it? Share it!

Leave A Response