Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo baaq soo saaray

by admin | Tuesday, Jun 11, 2019 | 731 views

Maamulka gobolka shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka gaar ahaan  siyaasiyiinta, culumaa’udiinka, dhalinyarada, aqoonyahanada ee kasoo jeeda deegaanada gobolka shabeellaha dhaxe gaar ahaan dagmada warsheekh in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo bacaad fadhiya taas oo wax ka tari doonta isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe  Axmed Meyre Makaraan  ayaa ugu baaqay bulshada ku nool degmada Warshiikh in ay gacmaha is qabsadaan ayna u soo jeestaan horumarka  gobolka gaar ahaan degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha degmada Warshiikh ee gobolka shabeellaha dhexe Axmed  Xusen Axmed  (Axmed Shiidka) ayaa balan qaaday in uu wax ka qabanayo arrimaha ammaanka degmada.

Guddoomiyahii hore  ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow Axmed Daaci oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta odayaasha iyo waxgaradka ku nool gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan shacabka ku nool degmada Warshiikh inay ka shaqeeyaan horumarka degmada gaar ahaan  dhinacyada ammaanka degmada Warshiikh iyo deegaanada hoos yimaado oo mararka qaar la sheegay in ay dadku ku waxyeeleeyaan maleeshiyaad.

Like it? Share it!

Leave A Response