Gaalkacyo oo lagu diyaariyay ciidamo AS ka qabsada Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

by admin | Sunday, Dec 4, 2022 | 245 views

Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug waxaa lagu diyaariyay ciidamo katirsan Dowladda Federaalka & Dhalinyaro kasoo jeedda Degmada Xarar-dheere si ay AS uga qabsadaan Magaaladaas.

Mas’uuliyiin katirsan DG Galmudug oo madasha lagu soo bandhigay ciidanka ka hadlay ayaa sheegay in Askartaan lagu xoojin doonno ciidamo kale oo dhowaan ku biiraya howlgallada ka billabanaya deegaannada hoostaga Xarar-dheere.

Maamulka Gobolka Mudug & kan Xarar-dheere ayaa wadajir ugu dhawaaqay in ay galayaan guluf colaad oo ka dhan ah AS si ay gacanta uga dhigaan Magaaladaan caanka ku ah Beeraha & Kalluumeysiga.

“Waxa aan ku jiheysanahay Degmada Xarar-dheere si aan cadawga uga dulqaadno haddii allaha awoodda leh uu idmo, in badan ayaa nala sugaayay waxa aan rajeynayaa in dhaqaaqa ugu horreeya horay u galno haddii alle idmo” ayuu yiri Guddoomiyaha Xarar-dheere oo howlgalka hoggaaminaya.

Waa uu sii hadlay Guddoomiyaha Degmada Xarar-dheere, waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah AS si degmadaas iyo deegaannada kale ee hoostaga looga saaro.

Gobolka Mudug waxaa ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo ujeedkiisa ugu weyn lagu tagayo Magaalo Xeebeedka Xarar-dheere, Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhowaan sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo qaban lahaa Magaaladaas.

Like it? Share it!

Leave A Response