Galmudug oo lagu wareejiyay Maleeshiyaad & Gaadiid dagaal {sawiro}

by admin | Sunday, Jul 5, 2020 | 392 views

Wasaaradda Amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta oo Axad ah waxaa ay la wareegtay hub, gawaari dagaal iyo maleeshiyadkii saarnaa,kuwaas oo ku sugnaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maleeshiyaadkaan ay mid noqon doonaan Ciidamada Daraaawiishta Galmudug ee loo diyaarinaayo in ay kuwa Al-Shabaab ka xureynayao deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Waxaa uu sheegay in , tababar ciidan iyo xuquuqna ay heli doonaan wixii maanta ka dambeeyo,isla markaana sirasmi ah ay uga mid noqonayaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee weli dhismahooda uu socdo.

Wasaaradda amniga gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ayaa horay degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa ay kula wareegtay maleeshiyaad iyo Gaadiidka dagaalka,kuwaas oo ka qeyb qaadan doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya degaannada Galmudug.

   

Like it? Share it!

Leave A Response