Garab kamid ah Saraakiisha Ciidamada PSF oo u wareegay dhinaca Deni

by admin | Monday, Dec 6, 2021 | 456 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Maxamed Ilig oo ahaa Taliye ku xigeenka Guud ee Ciidanka PSF ee Puntland uu ku biiray Garabka xukuumadda Madaxweyne Deni.
Taliye kuxigeenka ayaa horay wuxuu u diidanaa xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimihii Hay’adda PSF, isaga oo Shir jaraa’id uu dhawaan qabtay ku sheegay in xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF ay aheyd sharci darro, balso mowqifkiisii uu bedelay.

Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa wada qorsho lagu kala fur furayo Saraakiisha Ciidamada PSF si dagaal uusan uga dhicin Boosaaao.
Xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa haatan ah mid degan, in kastoo Xukuimadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ay Ciidamo aad u farabadan geeysay Xaafadaha Magaalada Boosaaso.

Like it? Share it!

Leave A Response