Goobo Ganacsi ay Soomaali leeyihiin oo lagu boobay Koonfur Afrika

by admin | Monday, Jul 12, 2021 | 265 views

Dagaalka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa degaanka Bohol Garas oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.
Labada maleeshiyo Beeleed ayaa dagaalkooda waxaa uu salka ku hayaa isku qabsiga dhul ku yaal degaankaas, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeeiyooday 6 Ruux halka 10 kale ay ku dhaawacmeen,.sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Dooloe.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed.
Wasiirka oo la hadlay Voa-da ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamaya.
Sanadihii la soo dhaafay ayaan wax dagaal beeleedyo ah ka dhicin degaannada Gobolka Gedo, hayeeshee haatan ay u muuqdaan kuwo dib ugu soo laabtay Gobolka hadii aan laga hortegin.a

Like it? Share it!

Leave A Response