Guddiga baarista dilkii taliyihii Booliska G/Hiiraan oo soo saaray Natiijo hordhac ah

by admin | Friday, Jun 14, 2019 | 936 views

Guddiga loo xil saaray inay baaris dhab ah kasoo saaraan sida uu u dhacay dilka taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Kormeel Maxamed Macow Xalane,kaas oo ku dhintay dagaal maalma ka hor ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay soo saareen natiijo horudhac ah.

Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in kiiskaas loo xir xiray dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen,isla markaana meel wanaagsan ay u mareyso baarista,sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Waare oo ah taliyihii hoe ee Ciidanka Booliska Hir-Shabeelle Cali dhuux Cabdi Mahadale.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay la kulmeen ehelada taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Marxuum Maxamed Macow Xalane,isla markaana la isku afgartay in Maanta oo jimco ah meydka  la’aaso.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Dhame Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in baaritaankooda ay kusoo qabteen 6 ruux oo ku eedeysan dilka taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan,isla markaan weli baaris kale ay wadaan.

Waxa uu sheegay in baaris kadib cadaaladda marsiin doono dadka cadeymaha ah dilka lagu helo ee hadda ku jira gacanta Ciidamada  Booliska Maamulka Hir-Shabelle,kuwaas oo ku xiran Xabsiga Magalada Baladweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response