Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Magacaaban.

by admin | Thursday, Aug 4, 2022 | 395 views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madamed Nuur Madoobe ayaa Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid Golaha Wasiirada magacaaban, kuwaas oo ka soo jeeda Dowlad Gobaleedka konfur Galbeed iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Wasiirada uu Guddoomiye Aadan Madoobe uu qaabilay waxaa ka mid ah; Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta XFS Sheekh Muqtaar Roobow, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta XFS Ilyaas Cali Xasan iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada magacaaban.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa soo dhaweeyay Wasiirada, isaga oo ugu hambaleeyay ka mid noqshada Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo 2 Augusta 2022-ka soo magacaabay.

Wasiirada Magacaabay ayaa Gudduumiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ku bogaadiyay shaqada uu hayo, iyaga oo weydiiyay kaalinta uu ku leeyahay Ansixinta Golaha Wasiirada oo lagu wado in la hor gooyo Golaha maalmaha soo socda.

Like it? Share it!

Leave A Response