Maxay tahay lacagta cusub ee malaayiinta dollar ah ee loogu deeqa DF Soomaaliya?

by admin | Friday, Aug 5, 2022 | 477 views

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadannimo ayaa bixisay 9.5 milyan oo dollar, si gar-gaar Bani’aadannimo oo deg deg ah loo gaarsiiyo bulshada ku nool meelaha macaluusha ay ka jirto ee gudaha Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, khatarta macluusha ee Soomaaliya ayaa sii korodhay ka dib xilli roobaadkii afraad oo hoos u dhacay, taas oo sababtay in ay ka baro kacaan deegaannadii ay dagnaayeen dadka, kuwaaas oo maciin badan deegaanno kale.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay masiibo bini’aadantinimo, haddana maal-gelinta loo baahan yahay si wax looga qabto baahiyaha sida xawliga ah u koraya ayaa weli ah mid aan ku filnayn si looga hortago macluusha,” ayuu yiri Adam Abdelmoula, ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinaha QM in xaaladaha abaareed ee sii kordhaya ay saameeyeen in ka badan 7 milyan oo qof ayna barakiciyeen in ka badan 900,000 oo qof oo kale oo guryahooda ka barakacay iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacday Abaar aad u daran taas oo saameysay; Dadka iyo duunyada, sidoo kale Madaxda Dowladda ayaa ugu baaqay deeq bixiyaasha Calamka iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad la gaaraan dadka ay Abaarta ka laysay Xoolihii iyo dalagii ay beeranayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response