Guddoomiye Cismaan Barre” Waare iska daay la hadalka Dowlad Goboleedyada yeysan Cod kaa duubine”

by admin | Friday, Jul 3, 2020 | 482 views

Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo ka hadlayay munaasabad xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxweyne Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare in uu kasoo qeyb-galo shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Cusmaan waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in uu shirka yimaado Madaxweyne waare maadaama uu yahay mas’uulka ugu sareeya Mamulka Hir-Shabeelle, isla markaana uusan ku xirmin dowlad Goboleedyada kale ee diiday ka qeyb-galka shirkaasi,kuwaas oo kala ah Jubbaland iyo Puntland.

“Waan ka xunahay in dowlad goboleedyada ay sharci darro ku tilmaamaan wax kasta ee la meel mariyo,Dastuurka ayaa qoraya in dowlad goboleedyada ay wada tashadaan laakin rashi la’aan ayay go’aano soo saareen,Madaxweyne waare waxaan kula talin lahaa in uu shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo uu ka qeyb-gallo dowlad Goboleedyadana hadalkooda uu iska dayo yeysan cod ka duubin aniga ayay hadda ka hor cod iga duubeen, ayuu yiri” Guddoomiye Cusmaan Barre.

Like it? Share it!

Leave A Response