Gudoomiyihii hore ee degmada Qandala oo Boosaso lagu dilay

by admin | Tuesday, Jan 21, 2020 | 572 views

Wararka naga soo gaaraya  magaalada Bosaso ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku dileen gudoomiyhii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari.

Gudoomiyaha ayaa lagu magacaabi jiray  Maxamad Quurshe.

Dilka ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn kaalinta shidaalka ee lagu magacaabo Alladii.

Xilliga uu dilku dhacaayay ayaa la sheegay in uu kasoo baxay Hoteel uu deganaa oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

Like it? Share it!

Leave A Response