Halkee ayay mareysaa baaritaanka Lacag ka maqan BFS oo looga fadhiyo Guddoomiye Mursal?

by admin | Sunday, May 20, 2018 | 1005 views

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa wali ka war dhowraya halka ay ku maqan tahay lacag aad u farabadan oo baarlamaanka soomaaliya loo arruurin jiray,isla markaana laga doonayo in guddoomiyaha uu baaritaan ku sameeyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si hoose inoola hadlay ayaa waxay sheegeen ineysan wali war ka heyn halka ay lacagtaasi ku baxday kuna dheeraatay baaritaan uu dhowaan ku dhawaaqay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C.raxmaan.

“ Lama oga halka ay lacagtaasi oo dhan Afar Boqol iyo Afartan ku baxday,taasi oo tan iyo iyo Sanadkii 2017 Xildhibaan kasta laga jarayay 100-dollar,waxaana kaga fadhinaa in Jawaab deg deg ah ka bixiyo Lacagtaasi Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka kana dhabbeeyo baaritaankii uu ku dhawaaqay,” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo magaciisa diiday in baahiy.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa 8-dii Bishan May 2018-ka balan qaaday inuu baaritaan ku sameyn doono lacagtaasi halkey ku baxday uuna soo cadeyn doono halka ay lacagtaasi oo gaareysa Afar Boqol iyo Afartan Kun oo dollar, isla markaana uu jawaan deg deg ah siin doono.

Lacagtaas ayuu sheegay in ay aheyd mid bil walba mushaarkooda Xildhibaannada lag jari jiray $100 Bishiiba tan iyo Sanadkii 2017.

Like it? Share it!

Leave A Response