Hay’adda Culimadda oo baaq kasoo saartay Xaaladda Soomaaliya

by admin | Thursday, Nov 15, 2018 | 740 views

Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa war kasoo saartay Xaaladda Soomaaliya Xilli maalmihii lasoo dhaafay uu jiray Khilaaf u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa soo saartay dhowr qodob oo ku saabsan Xaaladda dalka, waxaana ka mid ahaa:

1:  Dhammaan Mas’uuliyiinta dalka,sida Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,waxaa waajib ku ah in ay ku dhaqmaan waxa alle uu faray oo ah inay sameeyaan wadatashi ku saabsan samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo in ay sidegan wax isku-dhaafsadaan.

2: Waa inay fuliyaan kana dhabeyaan dhaartii ay ku dhaarteen inay u Shaqeeyaan,Diintooda Dalkooda,dadkooda oo ay dadka hortooda ka balan qaadeen.

3:Waxaa Waajib ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay dadaal dheeri ah ku bixiso mideynta dhinacyada Siyaasadeed ee dalka ka jira,sida xukuumadda iyo Dowlad goboleedyada.

Sheekh Nuur Baaruud  oo ka mid ah Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed ayaa soo jeediyay in Al-shabaab laga saaro labada Shabeelle si amaanka Muqdisho loo sugo,waxaana uu sheegay in ay dowladda Cambaareyn ku muteysan karto in aysan Gobolladaas ka saarin Al-shabaab.

Dowladda Federaalka ah ayuu sheegay in lagula xisaabtamayo dhibaatada haysata shacabka isaga oo xusay in aysan cudur daar u heleyn in maalin kasta shacabka Soomaaliyeed la laayo.

Like it? Share it!

Leave A Response