Hay’adda WHO oo Liibiya usoo jeedisay in aanay Xabaal-wadareed loo sameyn dadkii ku dhintay musiibadii ka dhacday Dalkaas.

by admin | Sunday, Sep 17, 2023 | 114 views

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Liibiya ugu baaqday in aanay xabaal-wadareed loo sameyn dadkii ku dhintay musiibadii dhowaan ka dhacday dalkaas ee galaafatay nolosha dad badan oo ku sugnaa goobihii daadadku ku rogmadeen.

WHO ayaa sheegtay in la hagaajiyo hannaanka aaska dadkaas balse aanay laga fikirin in ay aad u badan yihiin, Mas’uuliyiintaan katirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Hoostagta Qaramada Midoobay ayaa sidaas ku taliyay.

Duqa Magaalada Derna oo ah halka musiibadu xooggeeda ay saameynta taban ku reebtay ayaa sheegay in dadka ku dhintay musiibadaas ay gaarayaan ku dhowaad 20 kun oo ruux loona baahan yahay in sida ugu degdegsan loo aaso.

Saddexdii maalin u dambeysay waxaa lagu guuleystay in lasoo helo maydadka dad ka badan 450 ruux oo laga soo qaaday meelaha ay ku rogmadeen daadadka waxaana weli socda baadigoobka dad kale oo xogtooda la waayay.

Musiibada ayaa saameyn taban ku reebtay dhul lagu qiyaasay 100 KM waxaana goobaha caafimaadka lagu daweynayaa dad badan oo dhaawacyo kala duwan soo gaaray, hay’adaha gargaarka ayaa weli ku howlan raadinta dadka maqan.

Like it? Share it!

Leave A Response