Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo si buuxda ula wareegay magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug

by admin | Sunday, Sep 17, 2023 | 166 views

Ciidanka Xogga dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa si buuxda ula wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Alshabaab  ay isaga carareen magaaladaan ka dib markii dhammaan difaacyadii magaaladaan ay ka ilaalin jireen lagu soo jabiyay dagaaladii shalay ka dhacay degaanada Qodqod iyo Sargo.

Dowladda ayaa guul weyn ku tilmaamtay la wareegitaanka Degaanadan, kuwaas oo Alshaabab ku qasbi doona in aanay kusii negaandoonin degaanada kale ee Koonfurta gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga dalka iyo ciidamada dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan daafaha magaalada Bacaadweyne waxaana socda howlgallo sifayn ah, sida ay dowladdu sheegtay.

Magaalada Bacaadweyne ayaa ah magaalo dhowr jeer isku bedbedeshay gacanta ciidamada Galmudug iyo Alshabaab. Lama oga markaan inay ciidamadu ka bixidoonaan Bacaadweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response