Qoyska Taliye Shaah-macabe oo codsi muhiim ah u diray madaxweybne Xasan Sheekh

by admin | Sunday, Sep 17, 2023 | 147 views

Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah-macabe) oo ahaa taliyihii Guutada 25 aad ee Cumar Bin Khataab ee xoogga dalka, ayaa nolol iyo geeri lagu waayay waxii ka dambeeyay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,

Warar kala duwan oo soo baxay ayaa sheegayay in taliyaha uu ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka geesteen Cowsweyne , walina ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay dhimashada sargaalkan.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin xaalada taliyahan nolol iyo geeri aan lagu heyn, waxaana qoyska sargaalkan wali heyn akhbaar rasmi ah oo ku aadan wiilkooda ayna ku xisaabiyaan nolol ama geeri.

Nin ay isku hooyo yihiin taliye Shaah-macabe oo lagu magacaabo Cadow Deeq ayaa sheegay in ay wali baadi-goob ugu jiraan akhbaarta walaalkiisa, waxa uuna xusay in aysan wali heyn nolol ama geeri meel ay ku xisaabiyaan.

“Ninkii waa la raadshay iyo lama raadin midna nalama dhihin,wax hadda ninkii waa dhintay ama waa nool yahayna kama hayno dhinaca dowladda ,” ayuu yiri ninkan la dhashay taliyaha maqan.

Waxa uu sheegay ninkan la dhashay taliye Shaah-macabe in ay maqleen warar kala duwan ayna ku jahwareereen, waxa uuna xusay in loo sheegay in uu nool yahay uu jiro Cowsweyne, haddana tilmaamay in macquul aheyn oo meesha heestaan Al Shabaab.

“Anaga ninka duqaynuu ku dhintay maraa nala yiri, mar waxaa nala yiri waa nool yahay meeshuu ku jiraa. Warka meelaan u qaadnaan waynay, waana dareemi kartaa meesha cadow ayaa haysta,” ayuu yiri Cadoow.

Qoyska taliyaha maqan ayaana ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya in xog laga siiyo wiilkooda maqan ayna dowladda cadeyso in uu dhintay ama uu nool yahay, waxa ayna sheegeen in hadda in aysan heyn mid ay ku xisaabtamaan nolol ama geeri.

Taliye Shaah-macabe ayaa hoggaaminayay ciidankii xoogga dalka ee lagu weeraray deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, waxaana weerarkaasi khasaaro badan uu kasoo gaaray ciidanka xoogga, taa oo keentay in deegaanno badan ka baxaan.

Like it? Share it!

Leave A Response