Hir-Shabeelle oo digniin u diray Hay’addo si qarsoodi ah kaga Shaqeeya Arrimaha Beeraha

by admin | Saturday, Jul 17, 2021 | 272 views

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka ee Maamulka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Cumar (Ceeymoy) ayaa sheegay in dadka ku nool Tuulooyinka hoostaga Magaalada Jowhar ay dhibaato ku qabaan fatahaada uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
Wasiirka oo la hadlayay dadka ku nool tuulada Baareey ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hortageysa fatahaada Wabiga, hayeeshee ay jiraan shirkado Goobo aan loo baahnaa ku sameeya cara-tuur, isla markaana taasi aysan ka aqbaleyn.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Wasaaradda Beeraha ay ilgaar ah ku heeyneyso Shirkadaha ka Sahqeeya Arrimaha Beeraha, waxaana uu uga digay inay qabtaan Shaqooyin aysan ku ogeyn Maamulka Hir-Shabeelle ee la xiriira Arrimaha Beeraha.
Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka ee Maamulka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Cumar (Ceeymoy) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaano badna oo hoostaga Magaalada Jowhar uu ka fatahay Wabiga, isla markaana dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Like it? Share it!

Leave A Response