In ka badan 20 qof oo ku dhimatay dagaallada ka socda Mooyaale

by admin | Friday, Nov 16, 2018 | 793 views

Magaalada Mooyaale waxaa Wali ka socda dagaallo ay dhiig badan ku daateen,kuwaasoo u dhaxeeya Qowmiyaddaha Soomaalida iyo Oromadda.

Sida ay dadka degaanka u sheegeen Warbaahinta dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Mooyaale waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof halka  102 kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa wali xal laga gaarin , waxaana wali ka socda dagaallo sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Madaxa xisbiga Oromada ee degmada Mooyaale Cali Tache ayaa sheegay iney dagalladu dhaceen wuxuu Soomaalida uu ku eedeeyey iney dhul ballaarsi doonayaan.

Wuxuuna intaa ku daray Soomaalida dagaalka soo qaadday iney dooneyso magaalada iney xarun gobol ka dhigtaan, cabashadoodana ka maamul oroma ahaan ay deegaanka iyo dowladda dhexeba cabashadooda gaarsiiyeen balse ay weli jawaab ka helin.

Dagaallada qowmiyadda Soomaalida iyo oromada ku dhex mara magaalada Mooyaale oo soo noqnoqda xagga dowladda Itoobiya wax xal ah oo waara kama aysan gaarin.

Like it? Share it!

Leave A Response